Maxaa Sababay in shhariif Xasan iska casilo Madaxweynanimada Koofur Galbeed 

0
623

Maxaa Sababay in shhariif Xasan iska casilo Madaxweynanimada Koofur Galbeed

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhow magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kaddib cadaadis siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay la kulmayay.

Shariif Xasan ayaa xilliga uu ku dhawaaqayay is casilaadiisa waxaa hareer taagnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye

Waxaa uu kaloo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka Musharaxnimada, taasoo soo afjareysa jahwareerkii ka taagnaa doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Is casilaada Shariif Xasan waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Arrimaja Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo goor si horeysay gaaray Baydhabo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa si KMG u sii heyn doona xilka Madaxweynaha, inta laga soo dooranayo Madaxweyne cusub.

Shariif Xasan ayaa qorsheynayay inuu muddo ku darsado, hase ahaatee cadaadis Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka oo ka soo horjeeday in dib u dhacdo waqtiga doorashada, waana sababta soo dedejisay is casilaadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here