Kadib Iscasiladii Madaxweynihii Konfur Galbeed Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Xalay La Yeeshay Gudoomiyaha Baarlamaanka+SAWIRO

0
533

Kadib Iscasiladii Madaxweynihii Konfur Galbeed Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Xalay La Yeeshay Gudoomiyaha Baarlamaanka+SAWIRO

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Farmaajo iyo Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka sida ay baahisay Warbaahinta dowlada.

Warar lagu kalsoon yahay oo ku dhow kulankan ayaa sheegaya in labada masuul ay si gaar ah uga wada hadleen xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Koonfur galbeed iyo sidii loo wajihi lahaa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed  Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda.

Kulanka Farmaajo iyo Mursal ayaa ku soo beegmaya xili uu shalay iscasilay Madaxweynihii Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ahaa qodax ku taagan dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here