Mukhtaar Roobow oo noqday Musharaxii u horeeyay ee la siiyay shahaadada Musharaxnimo

0
671

Mukhtaar Roobow oo noqday Musharaxii u horeeyay ee la siiyay shahaadada Musharaxnimo

Musharax Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta iska diiwaan geliyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, isagoo noqday Musharaxii u horeeyay ee la siiyo Shahaadada Musharaxnimo. 

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay in Mukhtaar Roobow uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ee Musharaxnimo, sidaas darteed uu hada yahay Musharax rasmi ah.

Mukhtaar Roobow oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabad lagu guddoonsiinayay shahaadada Musharaxnimo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu is diiwaan geliyo, lana siiyo Shahaadada Musharaxnimo, isagoo u mahad celiyay Guddiga Doorashada.

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soonaaliya ayaa qoraal ay soo saartay bil ka hor ku sheegtay in Mukhtaar Roobow aanu tartami karin doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, maadaama ay saaran tahay xayiraado caalami ah.

Hase ahaatee go’aankaas ayaa noqon mid cuntama Mukhtaar Roobow, isagoo ka dhega fureystay, kuna adkeystay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa u fasaxay Mukhtaar Roobow inuu u tartami karo doorashada Madaxweynaha, maadaama uu yahay muwaadin ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, isla markaana aanay jirin dambi loo heysto oo ay Maxkamad xukuntay.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa dhici doonta 17 bisha November, waxaa u taagab Musharaxiin dhowr ah oo qaarkood dowladda Federaalka taageereyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here