DAAWO: Sheekh Shaakir Shaakir Oo War Ka Soo Saaray Khilaafka Dawlada Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Aqbalayna Gogosha Uu Madaxwayne Farmaajo U Fidiyay Maamulada

0
565

DAAWO: Sheekh Shaakir Shaakir Oo War Ka Soo Saaray Khilaafka Dawlada Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Aqbalayna Gogosha Uu Madaxwayne Farmaajo U Fidiyay Maamulada

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa taageeray gogoshii Madaxweyne Farmaajo u fidiyay maamul goboleedyada, si loo dhammeeyo khilaafka ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

War saxaafadeed xalay ka soo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in Galmudug ay aqoonsan tahay jiritaanka dowladda Federaalka iyo Madaxdeeda.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay xil iska saarayaan dhex dhexaadinta iyo isu soo dhoweynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa muujinaya kala aragti duwanaan isaga iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, marka loo eego gogosha uu fidiyay Madaxweyne Farmaajo sida ay uga fal celiyeen Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada oo uu Madaxweyne Xaaf ka yahay Guddoomiye kuxigeen.

https://www.youtube.com/watch?v=Ctm3h0gg6BI

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here