Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo maanta ka furmaya Muqdisho

0
548

Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC, waxaa shirkan ka qeyb galaya illaa 15 dal oo xubin ka ah Kooxdan.

Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC ayaa horay loogu dhinac qaban jiray Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, waxaana shirkan maanta ka furmaya Muqdisho la filayaa inuu noqdo mid heer Wasiir ah.

Wafdi horudhac u ah xubnaha ka qeyb galaya shirkan oo u badan Guddiyada joogtada OIC ee fadhigoodu yahay magaalada Jeddah ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa la filayaa in maanta ay soo gaareen qeybta kale ee wafuuda shirka ka qeyb galeysa.

Wasiiro ka tirsan dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa la filayaa inay shirkan ka soo qeyb galaan.

Shirkan ayaa ka dhici doona Hoolka weyn ee ku yaala Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, waxaa shirka ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC ayaa la aas aasay sanadkii 2007-dii, waxaa kooxdan 10-kii sano ee ay jireen isugu yimaadeen shirar dhowr ah oo lagu taageerayay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here