Dalka Algeria oo Niqaabka Laga Mamnuucay Goobaha Shaqada

0
688

Dalka Algeria oo Niqaabka Laga Mamnuucay Goobaha Shaqada

Agaasimaha guud ee shaqaalaha dalka Algeria oo Khamiistii soo saaray warqad ku taariikheysnayd October 8, 2018, ayaa gebi ahaan ku mamnuucay niqaabka goobaha in lagu xirto goobaha shaqada si kama dambeys ah, waxey ka codsatay shaqaalaha u xilsaaran inaaney ogalaan dhar kasta oo carqaladeynaya nimaadka shaqada.

Xukuumadda Algeria ayaa taageertay amarka ka soo baxay agaasimaha guud ee loogu mamnuucay niqaabka, waxeyna sheegeen in goobaha danta guud aan laga ogoleyn in niqaab lagu dhex xirto.

Xukuumadda ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay: “Waxaan la ogoleyn dhar kasta oo caraqaladeynaya shaqada xafiisyada dowladda, kuma sii jiro niqaabka oo aan sinaba looga ogoleyn goobta shaqada.”, xukuumaddu waxey ku amartay laga bilaabo wasiirradaha iyo guddoomiyeyaasha gobollada iney si buuxda u fuliyaan amarkan.

Si kastaba, ammaradda noocan oo kale ah ayaan baryihii dambe lagu arkayay warbaahinta waddamada reer galbeedka ee dadka ku dhaqan intooda badani ay diimo kale haystaan, laakiin dal sida Algeria oo kale ah, ayaa waxaa la yaab noqotay inuu tallaabadan oo kale uu qaado.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here