Shan ruux oo ururka Al-Shabaab ku toogtay degmada Saakow

0
988

Shan ruux oo ururka Al-Shabaab ku toogtay degmada Saakow

Wararka ka imanaya degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in  gelinkii dambe ee maanta xooggaga Alshabaab ku toogteen shan  ruux oo lagu eedeeyay inay ahaayeen basaasiin ama sirdoon.

Qaadiga Maxkamadda oo boqolaal qof ka hor akhrinayay xukunka Maxkamaddu soo saartay ayaa sheegay in shanta Nin ee latoogtay ay u shaqeynayeen sirdoonnada Dowladda Kenaya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al Shabaab waxay sheegtay in dhammaan Ragga maanta lagu dilay degmada Saakoow ay qirteen dambiyada lagu soo eedeeyay ee ah in ay u basaasayeen dhinacyo shisheeye.

Raggan maanta lagu toogtay magaalada Saakow ayaa magacyadooda lagu kala sheegay
1-Cabdiraxmaan Xuseen Max’med
2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
3-Caliyoow Jiinoow Nuur
4-Maxamed Yuunus Mad Keer
5-Cabdishakuur Xasan Xuseen.

Labo maalmood ka hor ayaa sidaan oo kale Xarakada Al Shabaab ay magaalada Jilib ugu toogteen illaa 5 ruux oo ay lagu eedeyay in ay u basaasayeen sirdoonnada dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here