Madaxweynaha Booliiska Caalamiga Ah Interpol Oo Is-Casilay Xilli Uu Ku Jiro Xabsiga Dalka China

0
573

Madaxweynaha Booliiska Caalamiga Ah Interpol Oo Is-Casilay Xilli Uu Ku Jiro Xabsiga Dalka China

Hay’ada booliiska caalamiga ah Interpol ayaa xaqiijisay inay soo gaadhay waraaq la sheegay inuu qoray Madaxweynaha hay’adaasi Meng Hongwei oo toddobaadkan lasoo dhaafay la waayey meesha uu ka baxay kadib markii uu safar ku tagay wadanka Shiinaha oo uu asal ahaan kasoo jeedo.

Meng Hongwei ayaa todobaad kahor ka dhoofay magaalada Lyon ee dalka France oo ah xarunta Interpol isagoo booqasho gaaban ku tagay dalka China, balse xaaskiisa ayaa booliiska ku wargelisay in ninkeeda la waayey saacado kadib markii uu ka dagay dalka Shiinaha.

Xaaska ninkan ayaa sheegtay inuu fariin qoraal uu soo diray ay u muuqatay inuu halis ku jiro, waxaana mas’uulkan la baadi goobayey maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo ay dowlada Shiinaha diiday inay wax war ah kasoo saarto ninkan oo la tuhmayey in lagu xiray wadankaasi.

Dowlada China ayaa Axadii shalay markii ugu horeysay sheegtay in Meng Hongwei uu ku socdo baaritaan danbiyo uu galay, walow aan la faah faahin waxa ay yihiin danbiyadaasi, waxaase loo badinayaa inay la xariirto arrimaha Musuq Maasuqa oo horey xasbiga loogu dhigay madax sar-sare.

Interpol ayaa sheegtay in lasoo gaarsiiyey waraaq uu ku saxiixan yahay Meng Hongwei oo sheegay inuu xilka iska casilay, waxaana la baarayaa in warqadan ay isaga ka timid ama lagu cadaadiyey.

Meng Hongwei ayaa horey usoo noqday Kuxigeenka Madaxa Hay’ada Amniga ee China, intaan loo magacaabin xilka Interpol.

Magacaabistii Meng ee hay’ada Interpol ayaa horey shaki looga muujiyey iyadoo la tuhmayey in dowlada China u adeegsan doonto ninkaasi baadi-goobka caalamiga ah oo ay dowladaasi ugu jirto soo qabashada xubnaha ay raadineyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here