Trump: Golaha Ammaanku ha u midoobo in aan Iran hub nukliyeer ah helin

0
861

Trump: Golaha Ammaanku ha u midoobo in aan Iran hub nukliyeer ah helin

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku tirtirsiyey dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay kala shaqeeyaan Maraykanka sidii Iran aanay u samaysan lahayn nukliyeer.

Trump oo gudoominayey shir goluhu iskugu yimid ayaa sheegay in ciddii u hogaansami wayda cunqabataynta dalkiisu saaray Iran ay “mudan doonto cawaaqib adag”.

Maraykanka ayaa cunoqabatayntii mar kale dib ugu soo rogay Iran ka dib markii uu ka baxay heshiiskii caalamiga ahaa ee barnaamijka nukliyeerka Iran.

Iran ayaa hadalkaa ka falcelisay oo waxay ay Trump ku eedaysay inuu “ku takri falayo” Golaha Ammaanka.

Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron, oo isagu ilaa haatan taageersan heshiiskaa la galay 2015-kii ayaa waxa uu ku baaqay in lala yimaad “istiraatijiyad mustaqbal dheer”.

Waxa aanu Golaha Ammaanka oo uu la hadlayey ku yidhi “waan la qabaa madaxweynaha Maraykanka yoolkiisa xataa hadii aanu isku diidannahay heshiiska nukliyeerka, laakiin waxaan rumaysanahay in aynu u baahanahay in aynu si wada jir ah ula nimaad istiraatijiyad mustaqbal dheer oo aan ku koobnayn uun cunoqabatayn iyo in Iran halkeedaa uun lagu hayo”.

 

Madaxweynaha Maraykanku shirka Golaha Ammaanka ee Arbacadii dhacay sababta uu u gudoominayey waa in dalkiisu haatan hayo xilka gudoomiyenimada golaha ee meertada ah.

Hase yeeshee madaxwaynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa si kulul uga jawaabay hadalkaa Donald Trump.

Ruuxaani ayaa sheegay in aanay jirin cid Iran ku qasbi karta in ay timaado miiska wadaxaajoodka.

“Ma jiro dal ama qaran lagu qasbi karo inuu miiska wadahadalada soo fadhiisto”ayu yidhi Ruuxaani.

Madaxwayne Ruuxaani ayaa khudbadii uu ka jeediyey golaha guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay Mareykanku wado cadaawad liddi ku ah Iran.

Ruuxaani waxa kale oo uu sheegay in aan dunida maanta dalna mid kale u cago juglayn karin. Waxaanu intaa ku daray in aan la heli karin xal dhaama in is mari waaga taagan lagu dhameeyo wada xaajood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here