Kooxo hubeysan oo saaka wiil dhalinyaro ku toogtay magaalada Muqdisho

0
817

Kooxo hubeysan oo saaka wiil dhalinyaro ku toogtay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa saaka degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley) ku dilay wiil dhalinyaro ah, iyagoo dilka kaddib goobta ka baxsaday.

Wiilka dhalinyarada ayaa la dilay abaarihii 6dii subaxnimo, waxaa lagu dilay goob lagu qaxweeyo oo ku dhow Masaajidka Cabdalla iyo Cawreer.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in wiilka la dilay uu ka mid ahaa dhalinyarada xaafada, waxaana toogtay labo nin oo bastoolad ku hubeysnaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo goobta dilka ka dhacay gaaray ayaa u suura gelin inay soo qabtaan kooxdii dilka geysatay oo xilli hore baxsaday.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal kala duwan, waxaana labadii todobaad kordhay dilalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here