Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maalintii labaad guda galaya Dooda amniga Muqdisho

0
589

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maalintii labaad guda galaya Dooda amniga Muqdisho

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii labaad ka doodaya Amniga magaalada Muqdisho, kaddib markii maalintii shalay ay dood xasaasi ah ka yeesheen Amniga.

Doodii shalay oo aheyd mid xasaasi ah ayaa xildhibaanada jeediyay khudbaha intooda badan waxa ay walaac ka muujinayeen xaaladaha ammaan ee magalada Muqdisho, iyagoo xukuumadda ku eedeeyay inay ku fashilantay wax ka qabashada amni darada ka jirta Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in labaatameeyo Xildhibaano oo ka haray kuwii shalay is qoray inay ka hadlaan ajandaha dooda amniga ay maanta khudbado jeedin doonaan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in Xukuumadda ku fashilantay Amniga, sidoo kale Ciidamada dowladda ay dhigtaan jidgooyooyin ku dhibaateeyaan shacabka, halka Xildhibaanada kale ay sheegeen in Ciidamada aysan kalsooni ku qabin.

Ilo ku dhow dhow Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegaya in laga yaabo in dooda kaddib Xildhibaanada ay mooshin ka keeneen amniga Muqdisho oo su’aalo lagu weydiiyo TaliyeyaashaAmmaanka ama Xukuumadda.

Golaha Shacabka oo lagu dhaliilayay habacsanaan dhanka shaqada ah iyo howlgabnimo ayaa u muuqda mid hada hurdada ka toosay, isla markaana guda galaya doodo xasaasi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here