Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhimay tirada qaxootiga ee dalkiisu qaabilayo

0
635

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhimay tirada qaxootiga ee dalkiisu qaabilayo

Maraykanka ayaa sheegay in uu dhimayo tirada qaxootiga ee uu dalkiisa u ogolaanayo sannadka dambe, isaga oo ka dhigaya 30,000 oo ah ku dhawaad meeshii ugu hoosaysay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xaddiday tirada qaxootiga la qaabiliyo sannadka 2018 isaga oo qoondeeyay 45,000, sannadkii ka horreeyayna 50,000.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa ku dhawaaqay “xaddidaadan cusub ee qaxootiga” wuxuuna intaas ku daray in Maraykanku uu borosees marin doono in kabadan 280,000 oo magangalyo doon ah sannadka 2019.

Dhimitaanka qaxootiga ayaa ah midkii ugu hooseeyayn tan iyo bishii sagaalaad ee sannadkii 2011kii, markaas oo 27,131 oo qaxooti ah loo ogolaaday in ay Maraykanka galaan 2002dii.

Tobankii sano ee la soo dhaafay tirada qaxootiga ee Maraykanka loo ogolaaday ayaa is badbadalaysay sannadkii 2007 ayaa ugu tiro yaraa oo ay dalkaas galeen 48,282 oo qaxooti ah, waxaana ugu qaxooti badnaa sannadkii 2016 oo ay galeen 84,995 oo qaxooti ah.

Barnaamijka qaxootiga ee Maraykanka ayaa la sameeyay sannadkii 1980kii.

Tirada uu hadda shaaciyay madaxweynaha Maraykanka ayaa noqonaysa middii ugu hoosaysay ee uu qoondeeyo madaxweyne Maraykan ah tan iyo markii barnaamijkaas la billaabay, sida uu Isniintii ku warramay wargayska New York Times.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here