Hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea oo dib u furaya xadkii dhulka la isaga tallaabayay labada dal

0
685

Hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea oo dib u furaya xadkii dhulka la isaga tallaabayay labada dal

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqanaya aagga Bure oo ka mid ahaa deegaan horay labada dal ugu muransanaayeen, kana mid ahaa goobihii dagaalada ba’an ka dhaceen 20-sano ka hor.

Deegaanka Bure ayaa 80KM u jira magaalada Dekeda leh ee Casab, waxaana sidoo kale uu galbeed ka xigaa xuduuda Itoobiya iyo Eritrea.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo labisnaa dharka Milateriga iyo Madaxweynaha Eritrea oo isna labis caadi xirnaa ayaa gaaray deegaanka Bure, iyagoo wehliyay Saraakiisha Ciidamada Difaaca labada dal.

Labada dal ayaa bilaabaya dib u furitaanka wadada Gobolka Zalambesa ee Waqooyiga Itoobiya, waxaana wadadan ay fududeyn doontaa isu socodka dhulka deegaanada xuduuda labada dal ay wadaagaan oo muddo labaatan sano xirneyd.

Ciidamada Labada dal ayaa shalay bilaabay howlgal miino baaris ah xadka ay wadaagaan oo ka mid aheyd goobihii dagaalada culus ka dhaceen, si dadka rayidka loogu fududeeyo isticmaalka wadada oo aanay dhibaato ugu soo gaarin haraadiga hubka lagu dagaalamayay iyo miinooyinka lagu aasay wadada.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea ayaa si wadajir ugu dabaal dagayaSanadka cusub.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa caadi ku soo laabtay, kaddib markii labada dal ay gaareen heshiis taariikhi ahaa ee bishii July, taasoo meesha ka saartay colaadii rubuc qarniga aheyd ee labada dal u dhaxeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here