Maxkamada magaalada Qaahira oo xukun ku ridey 700 oo ruux

0
640

Maxkamada magaalada Qaahira oo xukun ku ridey 700 oo ruux

Maxkamada magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa xukuno kala gedisan ku ridey 700 oo ruux oo lagu eedeeyay inay xubno ka yihiin ururka Akhwaanul Muslimiin ayna ka qeybqaateen banaanbaxyo ka dhacay magaalad Qaahira markii la afgambiyay Madaxweynihii la soo doortay Maxamed Mursi sanadkii 2013.

Maxkamada ayaa 75 ka mid ah dadkaasi ku xukuntay dil halka 47 kalana ay ku ridey xukun ah madaxaa ha ku furto.

Ururka u dooda xuquuqda aadanaha Amnesty International ayaa ku tilmaamay xukunkan mid aan cadaalad ahayn waxana uu ku sheegay inuu yahay mid xadgudub ku ah dastuurka dalka Masar.

Rabshado ayaa ka qarxay banaanbaxyo ka dhacay barxada Rabaa al-Adawiya sanadkii 2013 halkaa oo boqolaal ruux ay ciidamadu ku dileen.

Horaantii sanadkan ayaa Baarlamaanka Masar waxa uu siiyay saraakiisha Milatariga ah xasaanad aan lagu eedeyn karin waxyaalihii ka dhacay dalkaas intii u dhexeysay July 2013 illaa iyo January 2016.

Xubnaha caanka ah ee ka mid ah dadka maanta xukunka lagu ridey ayaa waxaa ka mid ah Mohammed Badie oo ka mid ahaa hogaanka sare ee ururka Akhwaanul Muslimiin waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here