Eritrea oo markale ku biireysa Urur Goboleedka IGAD

0
624

Eritrea oo markale ku biireysa Urur Goboleedka IGAD

Dowlada Eritrea ayaa dib ugu biireysa urur goboleedka IGAD iyadoo munaasabad loogu oggolaanayo lagu wado in lagu qabto magaalada Addis Ababa toddobadka dambe.

Eritrea ayaa laga saaray xubinimada IGAD sanadkii 2007dii balse waxa ay dib ugu biirtey 2011. Laakiin waxaa markale laga joojiyay xubinimadeeda sanadkii 2017kii.

Dhinaca kale saxiixa ugu dambeeya ee heshiiska nabada dalka Koofurta Sudan ayaa waxaa uu ka dhici doonaa toddobaadka soo socda magaalada Addis Ababa.

Wargeyska Sudan Tribune ayaa waxa uu ka soo xigatay Ismail Wais oo ah ergeyga gaarka ah ee Koofurta Sudan inuu sheegay xaflada saxiixa dib u heshiisiinta in uu dhowaan ka dhici doono magaalada Addis Ababa.

Ergeyga ayaa intaa ku daray in Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka xubnaha ka ah IGAD ay kulmi doonaan 11ka iyo 12ka bisha September kadibna ay Madaxda dalalka IGAD kulankoodu uu ku xigi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here