Abiy Axmed “Arrinta Cabdi Maxamuud Cumar waxay u taalla sharciga Itoobiya”

0
1133

Abiy Axmed “Arrinta Cabdi Maxamuud Cumar waxay u taalla sharciga Itoobiya”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo xalay kulan la qaatay saxaafadda maxaliga ee waddanka Itoobiya ayaa ka warbixiyay arrimo dhowr ah oo imika ka tagaan dalka Itoobiya.

Abiy Axmed wuxuu sheegay in hubka laga dhigi doono ururrada dhawaan gogosha nabadeed ay dowladda Itoobiya u fidisay islamarkaasna laan u qaabilsan arrintaasi la yagleeli doono.

Wuxuuna ugu baaqay ururradaasi inay ku dagalamaan qalinka iyo fikradaha ay qabaan.

Mar wax laga weyddiyay Abiy Axmed, waxaa laga yeelayo mustaqbalka madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu sheegay in arrintiisa ay u taallo sharciga iyo caddaalada dalka Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya
Image captionCabdi Maxamuud Cumar madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

“Waxaan ka war sugaynaa wixii caddaaladda ay ka tiraahdo iyo waxa uu mudan doono Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiintii dhibaatada gaystay”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sidoo kale sheegay in luqadaha maxalliga laga dhigi karo luqadaha ugu waawayn ee Itoobiya looga hadlo sii loo helo jiil afaf badan barta.

 

Sidoo kale, waxaa wax laga weydiyay ra’iisul wasaaraha, hadal baryahan laisla dhexmarayay oo ahaa inuu xanuunsanday markii uu joogay Mareykanka, wuxuuna ku jawaabay ” Aniga maba ihii dadka isticmaala dawooyinka mana soo gato dawo, waxaan aaminsanahay jimicsi iyo spoorti”

Ugu dambayn, Abiy Axmed wuxuu sheegay in dhibaato ay ka jirto xadadka maamulada dalka Itoobiya islamarkaasna guddi uu hoggaaminaya ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalkaasi uu u xilsaaray ka shaqaynta dejinta xaaladaha ammaanka ee deegannada xadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here