Dib U Milicso Aragtidii Madaxweyne Biixi Ee Xilligii Madaxweyne Siilaanyo Wareejinayay Haamaha Shidaalka & Warshadda Laydhka Hargeysa

0
640

Dib U Milicso Aragtidii Madaxweyne Biixi Ee Xilligii Madaxweyne Siilaanyo Wareejinayay Haamaha Shidaalka & Warshadda Laydhka Hargeysa

Madaxweyaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa todobaadkan ku dhaqaaqay tallaabooyin bulshado soo dhawaysay oo ku saabsan soo celinta hay’ado Qaran oo xukumaddii hore shirkado iyo shakhsiyaad siisay. Siyaasiyiin ka tirsana xukumaddii Siilaanyo iyo dadka arrintan dhalliilsan ayaa ku doodaya in uu Madaxweynuhu raad gurayo xukumaddii hore ee Kulmiye, islamarkaana uu heshiisyadii madaxweynihii hore tirtirayo.

Madaxweynaha Somaliland oo sanadkii 2015 ku guda jiray barmaamij muwaadiniintu su’aalo ku waydiinaysay oo telefishanka Horn Cable qabtay ayaa lagu waydiiyay mawqifkiisa xilligaas ee wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka oo uu dhawaan gacanta dawladda ku soo celiyay. Madaxweynaha oo xilligaa ku jiray ololaha ayaa bixiyay jawaab u muuqata in aanu la dhacsanayn wareejintii haamaha ee wakhtigaa.

Jawaabta madaxweyne Biixi xilligaas bixiyay ayaa u dhignayd sidan “ Haamuhu waa Hanti Qaran waa run, waxaan ka qabaa inuu qaranku leeyahay oo uu Qaranku Weligood lahaado oo hadba sida ay qaranka ugu faa’iido badan-yihiina loo isticmaalo, taas ayaan taana ka qabaa.”

Madaxweyne Biixi waxa mar kale isla barmaamijkaas lagu waydiiyay in haddii uu guulaysto raaci doono jidka xukumaddii Siilaanyo xilligaas haysay ee ah in ganacsato lagu wareejiyo hay’adaha dawladda oo ay xilligaas arrinteedu taagnayd warshadda Laydhka Hargeysa oo cid gaar ah lagu wareejiyay. Madaxweynuhu waxa jawaabtiisa ku jirta in haddii nidaamka jira sidaas dan u arkay isagu xaaraan u arko in cid lagu wareejiyo hay’adaha Qaranka iyada oo cid gaar ah loogu danaynayo.

Jawaabta madaxweynaha ayaa u dhignayd sidan “Warshada Laydhku waa hanti Qaran, hantida qaranku waxay ka kooban tahay waxay Dowladu hayso iyo waxay ganacsatadu hayso iyo khayraadka dalka iyo aqoonta idinka idinku jirta iyo dadka, markaa warshada Laydhka waxaan ka qabanayaa, iminka dad baa loo dhiibay, haddii ay sidii hore ka wanaagsanaato oo ay faa’iido qaranka u yeesho waa sidii la doonayey, haddii ay sidii hore noqon weydo , waxaynu u guuraynaa kolba sidii danta ummadu ku jirto, markaa haddii tii hore ay dhibaato culays Dowlada ku noqotay oo maamulka maanta joogaa uu u arkay in lagu dayo oo ay ka fekereen xalna ay noqotay in loo dhiibo shicibka oo faa’iidadu dadka ay ku jirto, wixii faa’idda ummada ayaa la raacayaa,mar walba waxa inag reeban in cid gaar ah loo daneeyo oo waxa Dowladu leedahay ama maamul ah fikarad qof loogu danaynayo loogu wareejiyo taa waa inaga xaaraan waana inaga reebantahay,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Mawqifka madaxweyne Biixi ee xilligii uu ku jiray hammiga madaxweynenimo ayaa u muuqda in aanu la dhacsanayn tallaabooyinkii sida is daba jooga ah ay xukumaddii madaxweyne Siilaanyo hay’adaha dawliga ah ugu wareejinaysay dadka shacabka ah. Waxa uu hadda dib u soo celiyay Kaydka Haamaha Shidaalka, Ammaanka Madaarka iyo Baarkinka Madaarka oo ay hore u haysteen shakhsiyaad iyo ganacsato xukumaddii Siilaanyo siisay. Sidoo kale saddexdii maalmood ee u dambeeyay waxa soo baxay warar ku saabsan in la joojiyay guryo iyo dhul dawladeed oo xukumaddii Siilaanyo siisay shakhsiyaad gaar ah.

Tallaabooyinkan oo mucaaradku u sacab tumay waxay u muuqdaan kuwo guux ka dhex abuuray taageerayaasha Kulmiye oo qaybaha danta gaarka ah ka helay xukumaddii Siilaanyo u arkaan in uu daad ku soo faruurmay, islamarkaana laga soo celin doono dhulka, guryaha iyo hay’adaha dadka gaarka ah la siiyay oo tiro badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here