Maxaa Imaatinka Axmed Siilaanyo Ku Soo Beegay Eedaymihii Musuq Maasuq Ee Tunka Loo Saaray Wasiiradiisii Awooda Badnaa

0
740

Maxaa Imaatinka Axmed Siilaanyo Ku Soo Beegay Eedaymihii Musuq Maasuq Ee Tunka Loo Saaray Wasiiradiisii Awooda Badnaa

Guddida ilaalinta iyo daba galka hantida qaranka ee golaha wakiilada somaliland ayaa dhawaan soo bandhigay musuq maasuq baahsan oo xukuumadii madaxweyne Siilaanyo u gaysatay hantidii umada ee ay masuulka ka ahayd.

Image result for Siilaanyo Oo Soo degayWarbixinta guddida oo uu akhriyey Xildhibaan NaasirCali Shire oo gudoomiye u ah ayaa magacaabay qaar ka mid ah masuuliyiintii ka tirsanaa xukuumadii Siilaanyo ee musuq maasuqa kula kacay hantidii ay umada uga masuulka ahaayeen, kaas oo xukuumada ka dalbaday in talaabo laga qaado.

Warbixinta guddidu soo bandhigtay ayaa dareenada ka soo noqday laga dhadhansanayaa inay jiraan masuuliyiin kale oo mudnaa in la magac dhabo si loo sii iftiimiyo dhacdooyin musuq maasuq oo markii hore-ba lala xidhiidhinayey.

Hantida shacabka laga dhacay ee warbixinta lagu soo bandhigay ayaa ka badan 11 milyan iyo 709 kun oo dollar, waxaanay warbixintu si gaar ah u magacawday wasiirkii hore ee hawlaha guud Cali Mareexaan iyo wasiirkii hore ee xidhiidhka goleyaasha Axmed Xaaji Daahir iyo sidoo kale shirkado iyo ashkhaas gacan yareyaal u ahaa madaxtooyada oo qayb ka ah musuq maasuqa dhacay.

Hadaba madaxweynihii hore ee somaliland ayaa markii warbixintaasi soo shaacbaxday si deg deg ah loo shaaciyey inuu dalka imanayo, taas oo ay su,aalo badani ka dhasheen sababta keentay.

Dadka siyaasada falanqeeyaa waxay sheegayaan in Axmed Siilaanyo uu ka codsan doono madaxweynaha talada kala wareegay ee Muuse Biixi inaanu wax talaabo ah ka qaadin xubnaha lagu eedaynayo, isaga oo u daliishan doona inuu isaguba cafiyey xubnihii UDUB ee la tilmaami jiray inay musuq sameeyaan balse aan lagu soo bandhigin warbixin rasmi ah oo ka soo baxday guddi gole oo sharci ah.

Axmed Siilaanyo ayaa la filayaa in mudada uu joogi doono uu dedaal u gali doono sidii aan loo fulin lahayn dalabka ka yimid guddida ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada oo dalbanaya in xabsiyada dalka lagu guro masuuliyiinta ku leh musuq maasuqa ay soo bandhigeen.

Sidoo kale waxa loo dhag taagi doonaa jawaabta uu dalabkaas ka bixiyo madaxweyne Muuse Biixi oo in badan ku ololeeyey in musuq maasuqu uu agtiisa ka yahay mid xaaraan ah isla markaana balan adag hore ugu dhigay shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here