Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqasho ku tegey magaalada Qardho

0
678

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqasho ku tegey magaalada Qardho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray Magaalada Qardho ee gobalka Bari.

Wafdiga uu horkacayo ra’iisul wasaare Kheyre ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyay dadweyne faro badan oo safnaa wadooyinka soo gala magaalada Qardha.

Magaalada Qardho oo ah magaalo xarun u ah oday dhaqameedyo ayaa waxaa soo dhoweynta wafdiga ka qeybgalay fardo qurux badan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kula kulmi doona magaalada Qardho Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo qeybaha kala duwan ee bulsha kunool magaalada Qardho.

Dhinaca kale waxaa la filayaa Ra’iisul wasaaraha in uu ka qeyb galo oo uu soo xiro shir dib u heshiisiin ah oo dhawaanahan halkaasi uga socday beelo walaalaha oo wada daga deegaano kamid ah Puntland.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here