DAAWO : C/weli Gaas oo shuruud ku xiray wada hadal ay ka galaan dagaalka Tukaraq ee La Isku Hor Fadhiyo

0
636

DAAWO : C/weli Gaas oo shuruud ku xiray wada hadal ay ka galaan dagaalka Tukaraq ee La Isku Hor Fadhiyo

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shuruud ku xiray wada hadal ay ka galaan dagaalka Tukaraq, inta Ciidamada Somaliland ay gacanta ku hayaan deegaano ay ka talin jirtay Puntland.

C/weli Gaas ayaa sheegay in sababta wada hadal ay u galaan xilligan u diideen ay tahay in illaa Somaliland ay ka saaraan dhulka ay heysato sida uu yiri.

“Waad ogtahay nimanka marba marka ka dambeysa deegaanadeena ayay ku soo duuleen, wada hadal ma imaanaya inta dhul Puntland ay leedahay heysato Somaliland, dhulka waa inay ka baxaan, kaddib ayaan wada hadal geli karnaa”ayuu yiri C/weli Gaas.

Dadaalo lagu qaboojinayay colaada ka taagan Tukaraq ayaa guuldareystay, waxaana jiray baaqyo ka soo baxayay dowladda Federaalka, culumaa’udiinka, qeybaha dhaqanka iyo Beesha Caalamka oo ahaa in dagaalka la joojiyo.

Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ayaa weli isku hor-fadhiya qeybo ka mid ah aagga Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasoo Ciidamo ka tirsan Somaliland la wareegeen horaantii sanadkan.

https://www.youtube.com/watch?v=ad-1pR7GncU

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here