Ma hanaqaadi doonaa iskaashiga ganacsi ee Israa’iil iyo Shiinaha?

0
610

Shiinuhu, waa dalka labaad ee ugu weyn dunida, waana dalka ugu badan xagga wax dhoofinta caalamka oo idil.Halka Israaiil ay tahay, dhul yar oo kuyaal Bariga Dhexe, kuna jirta kaalinta 45aad ee liiska xagga wax dhoofinta ee caalamka.Waxaa intaasba kasii mudan- in Israaiil ay waligeedba bah wadaag la ahayd Maraykanka.Sidaas darteed marka la eego khilaafka ganacsi ee ka dhex aloosan Maraykanka iyo Shiinaha, Israa’iil waxaa si xooggan looga filan karaa garabka Maraykanka.Balse wali waxaa dad badan uu mugdi iyo madmadow badani uga jiraa in maalgashiga Shiinaha ee Israa’iil uu noqon doono mid hanaqaada, ayadoo dhanka kale ay sii kordhayso tirada sharikadaha Israaiil ee kubiiraya Suuqyada ganacsiga ee Shiinaha.Haddaba markii madaxweyne Trump uu canshuuro dheeri ah dusha ka saaray badeecooyinka Shiinaha hadal qallafsanna uu ku weeraray, dhanka kale Raisul wasaaraha ISraa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu si rayrayn leh ugu dhiirri galinayey sharikadaha dalkiisa in ay oggolaadaan maalgashiga Shiinaha.20-kii sano ee lasoo dhaafay dhaqaalaha Israa’iil wuu saldhigtay waxuuna noqday hormuudka hormarka dhanka Tiknoolojiyadda.Dadka wax falanqeeya ayaa qaba in sharikadaha Shiinuhu ay doonayaan in ay gacanta ku dhigaan tiknoolojiyaddaas, halka sharikadaha Israa’iil ay doonayaan in ay si wanaagsan galaangal ugu yeeshaan Suuqyada Shiinaha ee ballaaran.Hagai Tal, oo ah madaxa fulinta ee sharikadda Taptica, oo ah sharikad wax xayaysiisa waxa uu qabaa “in Sharikadaha Shiinuhu ay ka faaidayaan Suuqyaa Tiknoolojiga casriga ah ee Israaiil, si ay kor ugu qaadaan dhaqaalahooda, Suuqyadaas oo ah kuwo magac ku leh dhanka hal abuurka””Shiinuhu wuxuu dadaal ugu jiraa sidii uu Suuqyada Israa’iil wax uga baran lahaa intakaraan kiis ah iyo sidii uu dhaqaalihiisa uga dhigi lahaa mid hal abuur ku dhisan.”[Ayadoo ay sidaas tahay], sharikadaha Israaiil waxay sidoo kale dhanka Bariga ka arkaan in ay kajiraan fursado wax ku ool ah, marka la isu geeyo labadaas arrimood ayaa ah waxa dhalinaya in uu yimaado iskaashi ganacsi oo guulaysta”Si haddaba la isugu soo dhaweeyo Sharikadaha Israaiil iyo kuwa Shiinaha, waxaa sanad kasta la qabtaa munaasabado ganacsi oo dhowr ah, sida Silicon Dragon Israel, oo sanad kasta bilowgiisa lagu qabtomagaalada Tel Aviv, iyo shir madaxeedka lagu magacaabo the China-Israel Innovation, kaas oo horraantii bishaan laguqabtay gobolka Guangdong.Sanadihii u dambeeyey Sharikadaha israa’iil waxay si toos ah usoo iibsanayeen Sharikado Shiinaha laga leeyahay, ama waxayba saamiyadooda qaar ka iibinayeen kuwa shiinaha, waxaana kamid ah Sharikadaha lagu magacaabo medical lasers operation Alma Lasers, iyo medical devices group Lumenis.Si kasta ha ahaate, ma’ahan sharikadaha Shiinaha oo kaliya cidda ka faa’idi doonta xidhiidh ganacsi oo dhow oo ay yeeshaan labada dal.Sharikadda Spotad, waa sharikad dhanka Oniline-ka wax ku xayaysiisa, sanadkii hore ayay ku biirtay Suuqa Shiinaha kadib markii ay maalgalin ka heshay sharikad kamid ah kuwa saamileyda ah oo fadhigeedu yahay Hong Kong.Sharikaddaas hadda waxay la shaqaysa dhammaan sharikadaha waaweyn ee Shiinaha ee dhanka Online-ka wax ku xayaysiiya.Sharikadaha kale ee Israa’iil laga leeyahay ee hormarka ka sameeyey Suuqyada Shiinaha waxaa kamid ah sharikadda suuqgaynta Moobilada qaabilsan ee AppsFlyer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here