Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay inay wada hadal la furto Al-Shabaab

0
848

Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay inay wada hadal la furto Al-Shabaab

Wasiirkii hore ee Amniga dowladdii Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay wada hadal la furto Al-Shabaab, isagoo xusay in Shabaab aan kaliya dagaal lagu jebin karin.

Xildhibaan C/risaaq oo ka tirsan Guddiga Amniga ee Baarlamaanka ayaa sheegay in sanadkii u dambeeyay ee uu ka tirsanaa dowladdii Xasan Sheekh inay bilaabeen wada hadal ay la galaan Shabaab, isagoo ku booriyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay wada hadal la gasho Al-Shabaab.

“Aniga waqtigii aan joogay waliba sanadkii ugu dambeeyay waxaan bilownay inaan Shabaab wada hadal la galno, dowladda hada jirtana waxaan ku dhiirageliyay in wada hadalkaas la sii wado, kooxaha argagixisada keliya laguma jebin karo awood Millatari, balse waxaa muhiim ah in lala galo wada hadal”ayuu yiri Wasiir C/risaaq.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer hore diiday inay wada hadal la galaan dowladda Soomaaliya, iyagoo wada hadalada ku xiray shuruud ah inay dalka ka baxaan Ciidamada shisheeye.

C/risaaq Cumar ayaa dhaliilay hey’adaha ammaanka dowladda, isagoo tilmaamay in aanay sidii logu tala galay u socon howlaha sugida amniga, isla markaana uu jiro gaabis badan.

“Xilligii aan ahaa Wasiirka Amniga waxaa 48 Isgoys ee magaalada ku xirnay kaamirooyin qarsoon, inta badan waxaa naloo sheegay in aanay shaqeyneyn, qaladaadka aan leenahay waa inaan ka gaabinay dhinacyada tiknoolijiyada iyo sirdoonka, waxaa moodaa in Nabadsugidii inay u howl galayaan sidii Milateriga oo kale, uma shaqeeyaan sidii hey’ad sirdoon oo kale”ayuu yiri C/risaaq Cumar

Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa maalmihii u dambeeyay dhaliilo u jeedinayay hey’adaha amniga, kaddib weeraradii Al-Shabaab, waxaana la xusuustaa xilligii uu xilka Wasiirka amniga ahaa in Muqdisho ay ka dhici jireen weeraro qaraxyo la mid ah kuwo uu hadda ku dhaliilayo hey’adaha amniga ee dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here