Ciidammada Booliska Turkiga Oo Xidhay 16 Arday Oo 13 Soomaali Yihiin

0
774

Ciidammada Booliska Turkiga Oo Xidhay 16 Arday Oo 13 Soomaali Yihiin

Booliska waddanka Turkiga ayaa xabsiga dhigay 16 arday oo ajaanib ah kuwaas oo 10 ka mid ahi ka soo jeedaan Soomaaliya, 3 arday ayaa ka soo jeeda Jabuuti, laba ayaa ka soo jeeda dalka Gini ee Galbeedka Afrika, halka hal arday ka soo jeedo waddanka Suuriya. Waxa la raadinaya 7 arday oo kale.

Ardaydan waxa laga soo qabtay jaamacadda Mersin iyada oo hoygooda laga soo qabtay. Gobolka Mersin ee Koonfurta Turkiga ayaa lagu qabtay Ardayda waxaana lagu eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin ururka mamnuuca ka ah Turkiga ee FETO waxaana la sheegay in uu ardayda la joogay qof lala xidhiidhiyo ururkaasi in uu u qaabilsan yahay dadka dalka ka baxsan.

Ururka FETO ayaa Turkiga ka ah urur argagixiso waxaana aasaasay wadaadka Fadxullah Gulaan ee Maraykanka degan kaas oo lagu eedeeyay in uu yahay maskaxdii maleegtay isku day afgambi oo Turkiga ka dhacay badhtamihii 2016.

Ururkan oo waxbarasho bixin jiray waxay dawladda Turkigu ka mamnuucday in uu caalamka ka sii wado waxbarashadiisa oo ay ku tilmaamtay mid fikrado khaldan faafinaya waxaanay ku bedeshay urur fuliya waxbarashada uu waday oo Macaarif lagu magacaabo.

Sidoo kale isla maalmihii la soo dhaafay wuxuu booliska Turkigu xidhxidhay 29 qof oo ay ku jiraan askar ku jiray shaqadooda oo lala xidhiidhiyay ururka Fadxullah Gulaan.

Source: Foreign students detained over FETÖ links in Turkey’s south

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here