Ciidanka Israa’iil oo ugu yaraan 24 ruux ku dilay Masjid & Iskuul ku yaalla Magaalada Gaza

0
18

Ciidanka Israa’iil oo ugu yaraan 24 ruux ku dilay Masjid & Iskuul ku yaalla Magaalada Gaza

Weerar arxan-darro ah oo ay Ciidanka Israa’iil ku beegsadeen Masjid iyo Iskuul ku yaalla Magaalada Gaza waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 24 ruux halka ay ku dhaawacmene in ka badan 93 kale sida laga soo xigtay saraakiisha Caafimaadka Magaaladaas.

Dadkaan ayaa lagu beegsaday labadaas goobood oo ay gabbaadsanayeen balse Ciidanka Yuhuudda ayaa si aan kala sooc lahayn u bartilmaameedsaday waxaana ay ka dhigeen Dad ay dileen iyo kuwo ay dhaawaceen.

Bambooyinka culus ee Maraykanka uu Israa’iil siiyay ayay ku garaaceen goobahaan waana tan keentay in uu kordho khasaaraha isla markaana gaaro inta haatan la xaqiijiyay inkasta oo mar weliba tiradu intaas ka badan karto.

Kumanaan ruux oo guryo la’aan ay dhigeen Ciidanka Israa’iil waxa ay uga dabatageen goobaha ay naftooda u doorbideen in ay uga gabbaadsan karaan weerarrada aan loo meel dayin iyaga oo saldhigtay Goobaha Caafimaadka, Cibaada iyo Waxbarashada balse kuma nabadgelin.