Masar & Eretareeya oo buuxin kara Booska Ciidanka Itoobiya ee howlgalka AUSSOM

0
19

Masar & Eretareeya oo buuxin kara Booska Ciidanka Itoobiya ee howlgalka AUSSOM

Warar la iska dhexmarayo ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in Ciidamada Masaarida iyo kuwa Eretareeya ay buuxin karaan boosaska Askarta Midowga Afrika u hayaan Ciidanka ka socda Dalka Itoobiya haddii aanay Abiy Ahmed dib uga laaban heshiiskii uu lagalay maamulka Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aanay Ciidanka Itoobiya qayb ka noqon doonin Ciidamada howlgalka cusub ee AUSSOM kaas oo lagu baddelayo kan ku meel-gaarka ah ee ATMIS oo waqtigiisu gabagabadu yahay.

Walaaca Dowlad-Goboleedyada ee la xiriira haddii ay baxaan Ciidanka Itoobiya ee saldhigyada muhiimka ah ku dhex leh ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe xal loo raadinayay iyada oo ay Dowladda Federaalka marba dhinac ka eegeysay sidii ay u xalin lahayd arrintaas.

Xaalku waxa uu sii xumaaday kaddib markii ay socon waayeen dedaalladii diblumaasi ee Dowladda Turkiga waday, waxaa guuldareystay fadhiyadii ugu dambeeyay ee wakiillada ka kala socda Muqdisho iyo Addis Ababa kaddib markii shuruudo kala duwan la is hordhigay.

Dowladda Federaalka ayaa wadahadalka Itoobiya & sii joogitaankeeda Dalka ku xirtay in ay burburiso heshiiskii kahor imaanayay midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya balse Xukuumadda Abiy wey ka meermeertay soo jeedintaas.

Arrintaan waxa ay sii caga-dhigatay kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshiis dhinaca Amniga ah la gashay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo Xiriir xun kala dhaxeeya Itoobiya iyo Eretareeya oo cilaaqaad wanaagsan kala dhaxeeya Muqdisho.

Dowladda Federaalka weli si dhab ah ugama hadlin hadalkaan la xiriira in Dalalka Masar & Eretareeya ciidamo ka socda in ay buuxinayaan kaalinta Itoobiya ee Ciidamada Howlgalka cusub ee Dalka ka billaabanaya Billowga sanadka soo socda 2025.