Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi oo ku goodiyay in ay adeegsanayaan Hubka Nukliyeerka haddii la weeraro Dalkiisa

0
29

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi oo ku goodiyay in ay adeegsanayaan Hubka Nukliyeerka haddii la weeraro Dalkiisa

 

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ku hanjabay in Dowladdiisa ay adeegsan doonto hubka halista badan ee Nukliyeerka haddii Xulufada Maraykanka ay isku dayaan in ay weeraraan sida uu hadalka u dhigay.

Kim ayaa tilmaamay in Dowladdiisa ay ka feejigan tahay weerar weliba oo ay soo horjeedi karto Kuuriyada Kooriyeed oo horay u kala go’een balse haddii Maraykanka uu isku dayo in uu kasoo dhex dagaallamo ay jawaab cad siin doonnaan.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in Dunida ay dagaal kusii socoto sidaas awgeed ay diyaar u yihiin in ay iska dhiciyaan cid weliba oo kusoo xadgudubka ama qorsheysa in ay weerarto sida uu yiri.

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in sababta ay u kordhiyeen farsameynta gantaallada noocyadiisa kala duwan ay tahay in ay kahortagaan cid weliba oo dhankooda soo hamiso maadaama ay jiraan cadaw badan ay leeyihiin.