Hoggaamiyaha Sare Iiraan oo 4 sano kaddib maanta kasoo muuqana fagaaraha

0
28

Hoggaamiyaha Sare Iiraan oo 4 sano kaddib maanta kasoo muuqana fagaaraha

Hoggaamiyaha ugu sarreeya Dalka Iiraan Ayatullah Cali Khamani ayaa maanta oo jimco ah kasoo muuqan doonna fagaaraha isaga oo ka qaybgalaya xuska loo sameynayo Xoghayahii Ururka Xisbullaahi iyo saraakiishii la geeriyootay oo uu ku jiro muwaadin u dhashay Dalkaas.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in Khudbadda uu tujinayo Hoggaamiye Khamani isaga oo jeedin doonna khudbad uu uga hadlayo dagaalka culus uu Dalkiisa kala soo horjeeda Yuhuudda oo saraakiil muhiim ah ka dishay dhowaanahaan.

Ayatullah Cali Khamani ayaa lagu wadaa in uu si qoto dheer uga hadlo dagaalka lagu hayo Dalkiisa iyo jawaabtii dhowaan ay bixiyeen ilaa hadda hadal heyso Yuhuudda, waxaa loo badinayaa in uu ku dhawaaqi doonno dagaal cusub.


Dhammaan dhinacyada daneynaya arrimaha Bariga Dhexe ayaa aad u hadal haya khudbadda laga sugayo Hoggaamiyaha ugu sarreeya Dowladda Islaamiga ah oo ah ninka ugu dambeeya ee leh go’aanka siyaasadeed ee Dalkaas.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa sii shaaciyay in isla maanta safar uu ku tagayo Magaalada Bayruut ee Caasimadda Dalka Lubnaan isla markaana la kulmi doonno dhiggiisa una sheegayo in Dowladdiisa ay garab taagan tahay.

Gobolka Bari dhexe waxaa ka socda dhaqdhaaq aad looga digayo in dagaallada goos-gooska ah ay isku baddelaan kuwo toos ah, Israa’iil ayaa kordhisay duqeymaha ay ka fulineyso Lubnaan, Falastiin, Suuriya, Yemen, Iiraan iyo Meelo kale.

La soco wixii kasoo kordha