Golaha Ammaanka ee QM oo maanta kulan ka leh xaaladda Soomaaliya

0
20

Golaha Ammaanka ee QM oo maanta kulan ka leh xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay maanta yeeshaan shir gaar ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo xiisadaha ka taagan geeska Afrika.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalaya Wakiilka Kumeel-gaarka ah ee Xoghayaha Guud, James Swan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ahmed Moalim Fiqi iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli uu dhamaanayo Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) bisha Oktoobar 31. James Swan ayaa kulanka ka jeedin doona warbixin diiradda saaraysa dhacdooyinka laga soo bilaabo May 24 ilaa September 18, 2024.

Swan ayaa ka hadli howlgalka cusub ee UNCT oo muddo labo sano ah sii socon doona, si loo xoojiyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, oo ay ku jiraan dib-u-eegista dastuurka iyo habraacyada doorashada.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa laga yaabaa inay dhinacooda ka hadlaan xaaladda guud ee Soomaaliya sida dhinaca amniga, siyaasadda iyo arrimaha la xiriira xiisadda ka taagan Geeska Afrika ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.