Wararkii u dambeeyey weerarka Iran ku qaaday Israel

0
47

Wararkii u dambeeyey weerarka Iran ku qaaday Israel

Muuqaallo laga helay gantaallada ay Iran ku weerartay gudaha Israa’iil, ayaa muujinaya inay gantaallada awood u yeesheen inay ka gudbaan nidaamka difaaca ee Israa’iil.

Inta la ogyahay illaa hadda 180 gantaal ayay Iran ku weerartay Israa’iil, iyadoo warbaahinta Iran ay sheegtay inuu weerarka gantaaladan uu yahay wajiga koowaad.

Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay magaalada Tel aviv iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Israel

Madaxweyne Joe Biden iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris ayaa qolka xaalada ee Aqalka Cad kala socday weerarka Israel.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in aysan ka warqabin wax dhaawac ah oo ka dhashay weerarkan.

Ma jiraan illaa hadda warar madax banaan oo ka soo baxaya weerarkan ay qaaday Iran marka laga yimaado hadalka afhayeenka ciidamada Israel

Dhinaca kale, Hal qof ayaa dhintay tiro kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii jajab gantaallo ah ay ku dhaceen magaalada Jericho ee dhulka Falastiiniyiinta ee daanta galbeed ee ay Israa’iil haysato, sida ilo amni ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Iran ayaa qaaday mas’uuliyadda weerarkan oo loo adeegsaday gantaalaha ballistic ah ee ay ku riday Israa’iil, Sheegashada ayaa lagu sheegay bayaan laga akhriyay telefishinka dowladda.

Bayaankeeda, Iran waxay ku sheegtay in weerarkan uu jawaab u yahay dilka hoggaamiyihii Hezbollah Hassan Nasrallah iyo taliye ku xigeenkii Ilaalada Kacaanka Gen. Abbas Nilforushan oo labaduba ku dhintay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay Beirut todobaadkii hore iyo dilkii Ismail Haniyeh, oo ahaa hogaamiyihii sare ee Xamaas kaasoo lagu dilay Tehran weerar looga shakisan yahay in Israel ay ka geysatay bishii July.

Waxay ka digtay in weerarkan inuu u taagan yahay oo kaliya “wehigii koowaad,” inkastoo aan faahfaahinin.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii labaad ee taariikhda iyo tan iyo bishii April ee sannadkan oo Iran ay dhulkeeda ka weerarto Israa’iil.