Jabuuti oo xaqiijisay in Xeebaheeda ay ku dhinteen 45 ruux oo kasoo tahriibtay Yemen

0
31

Jamhuuriyadda Jabuuti oo ku dhawaaqday in Xeebaheeda ay ku dhinteen 45 ruux oo la kala socday labo doon oo kasoo shiraacday Xeebaha Dalka Yemen kuwaas oo doonayay in ay ku xirtaan mid kamid ah Xeebaha Dalkaas.

Wadarta Dadka doomahaan la socday ayaa lagu sheegay in ay gaareyso 310 qof, waxaa laga badbaadiyay 32 qof kuwaas oo haatan la dejiyay mid kamid ah xarumaha sida gaar ah ugu qaabilsan gacan ku heynta tahriibayaasha.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Socdaalka Adduunka ee IOM loosoo gaabiyo ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay wax ka qabashada qulqulka soogalootiga dunida kusii kordhay sanadihii lasoo dhaafay

Waxaa socda howlo loogu gurmanayo Dadka la waayay ee weli rajada laga qabo in lasoo badbaadiyo, waxaa iska kaashanaya Howshaan Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Jabuuti iyo howlwadeennada Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Jabuuti iyo IOM weli ma sheegin jinsiyadda Dadkaan balse waxaa socda tirakoobka Dadkaan, Dalalka ay kasoo jeedaan, inta dumar ah, Carruurta, Ragga & sababta keentay in iyaga oo tiradoodu intaas tahay ay soo raacaan labadaas Doon.

La soco wixii kasoo kordha