Emirates Airlines, Iran Air, Air Algerie, Air France & Turkish Airlines oo joojiyay duullimaadkoodii Beyruut.

0
35

Emirates Airlines, Iran Air, Air Algerie, Air France & Turkish Airlines oo joojiyay duullimaadkoodii Beyruut.

Shirkadaha Diyaaradaha ee kala ah, Emirates Airlines, Iran Air, Air Algerie, Air France & Turkish Airlines ayaa ku dhawaaqay in si kumeel-gaar ah u joojiyeen duullimaadkii maalinlaha ahaa ay ku tegi jireen Magaalada Beyruut ee Caasimadda Dalka Lubnaan.

Cabsi ayay ka muujiyeen duqeymaha adag ee Ciidanka Yuhuudda ka geysanayaan Dalka Lubnaan, waxaana sidaas ku baaqday safarka Dad badan oo isaga kala gudbi rabay Dalkaas iyo Dalal kale oo Caalamka ah.

Muddada ay xayiraaddooda soconeyso ma aysan sheegin balse waxa ay u muuqataa in ay ku xiran tahay hadba sida ay isku baddesho xaaladda ka taagan Bariga Dhexe ee gantaallada culus marba dhinac isku dhaafayaan.

Dhanka kale, Shirkadahaan ayaa sheegay in ay duullimaadkooda ka weeciyeen jihada Dalalka dagaalladu ay saameynta taban ku reebeen si aanay ugu dhicin gantaallada hawada haahaabaya ee la is dhaafsanayo.