Dagaalka Bariga Dhexe oo sii faafaya & dareen cabsi oo laga muujiyay

0
34

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii faafaya & dareen cabsi oo laga muujiyay

Dowladda Iiraan ayaa muddo dheer kaddib waxa ay si toos ah jawaab uga bixisay weerarrada Israa’iil ay ka geysatay Dalkeeda iyada oo gantaallo xad-dhaaf ah ku garaacday Magaalooyin badan oo kamid ah Dhulka Yuhuudda xoogga ku degen tahay.

Gantaalladaas ayaa dhaliyay dhimasho iyo dhaawac badan inkasta oo Saraakiisha, madaxda iyo Shacabka Yuhuudda ay u kala carareen Dhismaha ku yaalla Dhulka Hoostiisa si ay uga gabbaadsadaan duqeyntaas culus.

Iiraan ayaa si cad u sheegtay in weerarkaas ay ka dambeysay kuna beegsatay saldhigyo iyo goobo kale oo istaraatiiji u ah Israa’iil, xaaladda ayaa sii adkaatay kaddib markii Wasiirrada Dagaalka kulan degdeg ah la isugu yeeray.


Xukuumadda Tehran oo ka fogaaneysa wixii ku dhacay hoggaanka Sare ee Xisbullaah ayaa markaan si toos ah usoo gashay Dagaalka meelaha fog la iska beegsanayo iyada oo in ka badan 200 oo gantaal ku dhufatay goobo ay xog ka heysay.

Maraykanka iyo Xulufadiisa ayaa durba walaac ka muujiyay xaaladda ka taagan Bariga, waxa ay Israa’iil dhexda uga jirtaa Dowladaha ay la dagaashan tahay oo mid weliba mar ay duqeymo ka fulisay Dalkooda waana tan keentay dareenka Washington muujineyso.

La soco wixii kasoo kordha