Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Asad Diyaano oo si rasmi ah xilka ugula wareegay Taliyahii hore ee ciidanka

0
31

Home
Banaadir
Taliyaha cusub ee…
Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Asad Diyaano oo si rasmi ah xilka ugula wareegay Taliyahii hore ee ciidanka
 SYM 1st October 2024 BANAADIR
1 minute read

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Labada mas’uul ayaa waxaa halkaas si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa u kuurgalay hannaanka shaqo ee Hoggaannada iyo Fadhiyada madaxa-banaan ee Ciidanka Booliiska, isaga oo Wasiirku halkaas ugu Kala wareejiyey galka guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka oo uu si buuxda ula wareegey Xafiiska Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska S/guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi.


Taliyaha ayaa faray Saraakiisha in ay dardargeliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maalma ka hor u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), isaga oo maanta xafiiska si rasmi ugula wareegay Taliyahii hore ee ciidanka S/Gaas Sulub Axmed Firin.