Wararkii ugu dambeyay ee xaaladda xadka ay wadaagaan Lubnaan iyo Israa’iil iyo dedaallada socda

0
29

Wararkii ugu dambeyay ee xaaladda xadka ay wadaagaan Lubnaan iyo Israa’iil iyo dedaallada socda

Faransiiska iyo Mareykanka ayaa hormuud u ah isku dayga lagu xaqiijinayo xabbad joojin degdeg ah oo kow iyo labaatan maalmood ah oo ka dhacda koonfurta Lubnaan.

Madaxweynayaasha Macron iyo Biden ayaa sheegay in xabbad joojinta ku meel gaarka ah ay diblumaasiyadda siinayso fursad lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah oo ay Iiraan taageerto.Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in xaaladdu ay sii xumaanayso ka dib maalmo xadka Israa’iil iyo Lubnaan ay ka socdeen duqeymo culus.

Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Israa’iil aysan doonayn dagaal baaxad leh balse ka joogi doonin marka dhulkeed waqooyi la weeraro. Ciidamo badan oo kayd ah oo Israa’iil ay leedahay ayaa la soo bandhigay waxaana militariga loo sheegay in ay isu diyaariyaan duulaan suurta gal ah oo ku wajahan ah koonfurta Lubnaan.