Madaxweynaha Ruushka oo sheegay in qorsheynayaan Isticmaalka Nukliyeerka, haddii la soo weeraro

0
25

Madaxweynaha Ruushka oo sheegay in qorsheynayaan Isticmaalka Nukliyeerka, haddii la soo weeraro

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in ay wax ka badalayaan shuruucda isticmaalka hubka Nukliyeerka, isaga oo sheegay in diyaar u yihiin iska difaacida cid kasta oo weerar ku soo qaada.

Sharci caalamiga ah ayaa qaba in dalalka heysta hubka Nukliyeerka aysan weerar toos ah ku qaadi Karin kuwo kale ee aan heysan.

Tani waxay sidoo kale keeni kartaa in Ruushku ka fikiro in la beddelo sharcigan la xiriira isticmaalka hubkiisa Nukliyeerka, iyada oo laga cabsi qabo in tani sababto dagaal cusub.

Dhinaca kale, Ukraine ayaa dalalka reer galbeedka ka raadineysaa taageero milatari, si ay adeegsato gantaalada riddada dheer.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa la filayaa maanta in uu la kulmo dhigiisa dalka Mareykanka, Joe Biden isaga oo kala hadli taageero Militeri iyo xoojinta dagaalka socda.