CIA Oo Shaacisay Dowlad Qorsheyneysa in la Dilo Trump

0
19

CIA Oo Shaacisay Dowlad Qorsheyneysa in la Dilo Trump

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa u sheegay, Donald Trump inay Iran isku dayayso inay disho

Digniintaas ka dib Trump ayaa baahiyay farriin uu ku sheegayo inay naftiisa halis ku jirto oo ciidan iyo hub uusan horey u arag ay ku hareeraysan yihiin ayna sugayaan amnigiisa si looga hortago iskudayga Iran ku doonayso inay isaga ku disho.

Trump ayaa inta uu ku jiray ololaha uu ku doonayo inuu mar kale Aqalka Cad ku laabto wuxuu ka badbaaday labo iskuday oo lagu doonayay in lagu dilo

Hanjabada la sheegay inuu Trump kala kulmayo Iran ayaa ku soo aaday, xilli xiisad colaadeed oo ku dhow dagaal weyne ay ka taagan tahay bariga dhexe, waxaana jira walaac ku aadan haddii dib loo doorto Trump inuu dab ku shubi karo colaadda iyo waqti la filo karo inuu iskudayo weerar toos ah oo lagu qaado Iran.