Muxuu yahay ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ka jira ee Israa’iil la dagaallamaya?

0
26

Muxuu yahay ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ka jira ee Israa’iil la dagaallamaya?

 

Xisbullaah waa urur siyaasadeed oo ah Muslimiin Shiico ah oo saameyn leh isla markaana waa koox hubeysan oo uu hoggaamiye Xasan Nasrullaah .Waxa ay awood weyn ku leedahay labada gole ee baarlamaanka iyo xukuumadda Lubnaan, waxayna gacanta ku haysaa ciidanka ugu awoodda badan dalka.

Xisbullaah waxa ay si weyn usoo shaacbaxday sideetamaadkii, iyagoo mucaarad ku ahaa Israa’iil, waxana taageero xoog leh oo dhaqaale iyo mid ciidanba ka heshaa dowladda Iran. Garabka hubaysan ee Xisbullaah ayaa weeraro khasaare badan dhaliyay ku qaaday ciidamada Israa’iil iyo kuwa Maraykanka ee ku sugan dalka Lubnaan.

Markii ciidamada Israa’iil ay ka baxeen Lubnaan 2000, Xisbullaah waxay ku faantay inay ka saareen dalka ciidamadaas, waxayna sii wadaan inay ka soo horjeedaan joogitaanka Israa’iil ee deegaannada lagu muransan yahay ee xuduudaha.

Sannadkii 2006-dii, dagaal ba’an ayaa ka dhex qarxay Xisbullaah iyo Israa’iil, kaas oo ka dhashay weerar Xisbullaah ay ka gaysatay xadka ay wadaagaan Lubnaan iyo Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa gudaha u galay koonfurta Lubnaan si ay isugu dayaan in ay meesha ka saaraan khatarta Xisbullaah. Ilaa 1,000 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay intii uu socday iska horimaadkaas, balse Xisbullaah ayaa sheegtay guulo, waxaana wixii intaa ka dambeeyay ay kordhiyeen dagaalyahanadooda iyagoo sidoo kale horumariyay hubkooda.

BBC