Itoobiya oo si adag kaga hadashay Hubka Masar ee la keenay Soomaaliya

0
33

Itoobiya oo si adag kaga hadashay Hubka Masar ee la keenay Soomaaliya

 

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in saadka rasaasta ay bixinayaan “xoggagga shisheeye uu sii xumeyn doono ammaanka jilicsan, kuna dhammaan doono gacanta argagixisada Soomaaliya,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa xaqiijisay keenista hubka, iyadoo sheegtay in shixnaddan looga dan leeyahay in lagu taageero dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo ammaanka, la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta madax-bannaanideeda.

Wasaaradda ayaa adkeysay in Masar ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka caawiso sidii ay u dhisi lahayd awoodeeda ciidan.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegashada Itoobiya ku tilmaamay mid ay ku qarinayaan “hubka sharci darrada ah ee laga soo geliyo xuduudka Soomaaliya, kaasi oo u gacan galaya shacabka iyo argagixisada.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa 20-kii bishan qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya “ay si kulul u cambaareyneyso shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.”

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii December Soomaaliya ka qaaday cunaqabateynta hubka, in ka badan 30 sano kaddib markii la soo rogay kadib dagaalladii sokeeyey ee dalka ka dillaacay.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday kadib markii Addis-Ababa ay heshiis afgarad la saxiixatay Somaliland bishii Janaayo, kaasi oo looga kireynayo dhul badeed 20 km ah, loogana beddelanayo inay aqoonsatao Somaliland.