Garaad Jaamac Garaad Cali oo Somaliland uga digay weerarka ay la damacsan tahay SSC-Khaatumo

0
26

Garaad Jaamac Garaad Cali oo Somaliland uga digay weerarka ay la damacsan tahay SSC-Khaatumo

 

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Duubabka dhaqanka ayaa ka digay qorshaha duullaanka ah ee Somaliland ee ka dhanka ah Maamulka sida kumeel-gaarka ah u aqoonsatay Dowladda Federaalka ee SSC-Khaatumo.

Garaadka ayaa sheegay in xadgudubka Somaliland uu kordhay balse markii Dadku kaceen sababay in laga qabsado deegaannadii ay ka joogeen Dhulka SSC-Khaatumo taasina lagu gaaray midnimo iyo wadajir sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkii ka dhacay Xerada Gooja-cadde sanadkii hore ayuu ku tusaaleeyay in ay ku qanci darto Somaliland maadaama ciidankii joogay xeradaas askar ka yar kana hub koobnaa balse ugu dambeyn guul ka gaaray sida uu hadalka u dhigay.

“Dowlad dhan oo 30 sano hub uruursanaysay oo adduunka oo dhan dabataagnaa in rag yar qoryaha ka dhigaan waxa ay ku suuragashay in uu alle garabsiiyay, dagaalkii Gooja-cadde waxaa la lahaa suurtagal ma ahan, waxaa la lahaa sidee ayay u suurtagashaa” Garaad Jaamac Garaad Cali.

Madaxda sare ee Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa dhowr jeer sheegay in Maamulka Somaliland uu qorsheynayo duullaan uu ku raadinayo dib ugu qabsashada deegaannada haatan maamulkaas uu gacanta ku hayo.