Masar “Hubka aan Soomaaliya siinay waa mid lagu xoojinayo iskaashigeenna Amniga & cilaaqaadka kale ee naga dhaxeeya”

0
32

Masar “Hubka aan Soomaaliya siinay waa mid lagu xoojinayo iskaashigeenna Amniga & cilaaqaadka kale ee naga dhaxeeya”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa faahfaahin ka bixisay Hubka Dowladdaas siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee marka lagu soo qaaday uu kusoo xirtay Dekedda Magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay Masaarida ayaa lagu sheegay in tani ay qayb ka tahay kaalmada Xukuumadda Qaahira ee dhiggeeda Muqdisho, ujeedkana uu yahay in ay qayb ka qaadato xoojinta amniga iyo dib u dhiska Ciidanka.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in iyada oo ka duuleysa heshiiska iskaashiga dhinaca Amniga ah in ay u qaadday tallaabadaan oo ah mid xoojineysa walaaltinimada iyo sare u qaadista ammaanka guud ee Soomaaliya.

“Hubka aan Soomaaliya siinay waa mid lagu xoojinayo Iskaashiga Amniga iyo cilaaqaadka kale ee nagala dhaxeeya, ujeedku waa xoojinta amniga iyo la dagaalanka Argagixisada, Kaalmada Militari waa Masaaridu u martay nidaamka & dhabbaha saxda ah” Ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar

Soomaaliya ayaa heshiis dhinaca Difaaca ah waxa ay la gashay Dowladaha Turkiga iyo Masar, waxaa billowday ka mira-dhalinta heshiiskaas iyada oo Xukuumadda Qaahira ay ku dhaqaaqday sidii ay u qalabayn lahayd Ciidamada Qalabka sida.