Boqolaal qof oo ku dhintay duqeymaha Israel ee Lubnan

0
40

Boqolaal qof oo ku dhintay duqeymaha Israel ee Lubnan

Israa’iil ayaa sii wada duqeynta ay ka geysanayso Lubnaan, iyadoo goobaha qaar laga maqlayo qaraxyo waaweyn, taasoo sare u qaadaysa suurtagalnimada inay Israa’iil gaartay xarumaha hubka ee Xisbullah.

Duqeymahan ayaa lagu sheegay kuwii ugu sarreeyay tan iyo dagaalkii labaad ee Lubnaan ee sannadkii 2006.

Israa’iil ayaa tan iyo saakay 200 weerarro dhinaca cirka ah ka geysatay gudaha Lubnaan, duqeymaha inta ay socdaan waxaa ka qeybqaatay inta badan diyaaradaha dagaalka Israa’iil ee noocyada F-35s, F-16s, iyo F-15s, sida laga soo xigtay afhayeenka ciidanka Israa’iil oo sheegay inay burburiyeen xarumo muhiim ah oo ay gudaha Lubnaan ku leedahay Xisbullah.

Wasiirka caafimaadka Lubnaan, Firass Abiad, ayaa sheegay in 274 qof ay ku dhinteen duqeymaha socda ee Israel, in ka badan 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Beyruut ayuu Abiad ku sheegay in kumannaan qoys ay ku barakaceen weerarrada. Waxa uu sidoo kale sheegay in duqeymaha Israa’iil ay ku dhaceen isbitaallo, xarumo caafimaad iyo ambalaasyo.

Milatariga Israel ayaa ku dhawaaqay inay duqeeyeen ilaa 800 oo bartilmaameed, iyaga oo ku andacoonaya in ay daba socdaan keydka hubka Xisbullah.

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan koonfurta Lubnaan ayaa muujiyay “walaac aad u weyn” oo ay ka qabaan badbaadada dadka rayidka ah ee ku nool koonfurta ka dib ololihii ugu xooganaa ee duqeynta Israel tan iyo markii ay dagaaladu qarxeen bishii October.

“Xaaladdan khatarta ah ee sii kordheysa waxay yeelan kartaa cawaaqib xumo, kaliya maaha kuwa ku nool labada dhinac ee Khadka buluuga ah (xuduuda u dhaxaysa Lubnaan iyo Israa’iil) laakiin sidoo kale gobolka oo dhan,” ayaa lagu yiri bayaan.

QM Waxay intaa ku dartay in “weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah aysan ahayn oo kaliya ku xadgudubka sharciga caalamiga ah balse ay noqon karaan dambiyo dagaal.

Ciidamada Qaramada Midoobay ee loo yaqaan UNIFIL, ayaa sheegay in taliyahooda Lt. Gen. Aroldo Lázaro uu la xiriiray saraakiisha Lubnaan iyo Israa’iil si uu ugu baaqo in xiisadda la dejiyo.

Duqeymaha Israa’iil ayaa ah kuwii ugu khasaaraha badnaa tan iyo dagaalkii Israa’iil iyo Xisbullah ee sannadkii 2006-dii, iyadoo militariga Israa’iil ay uga digeen dadka deggan koonfurta iyo bariga Lubnaan inay ka guuraan guryahooda ka hor ololaha cirka ee ka dhanka ah Xisbullah.

Duqeymaha qaar ayaa ka dhacay xaafado ka tirsan magaalooyinka koonfurta iyo dooxada Bekaa ee bari. Hal weerar ayaa ku dhacay meel kayn ah oo ka fog Byblos oo ku taal bartamaha Lubnaan, in ka badan 80 mayl u jirta xudduudda waqooyiga Beirut.

Dhanka kale, Xisbullah ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay tobanaan gantaal ku garaacday saldhig ay ciidamada Israa’iil ku leeyihiin magaalada Galiil. Waxay sidoo kale beegsatay maalintii labaad xarumaha shirkadda difaaca ee Rafael, oo xarunteedu tahay Haifa.

Iyadoo Israa’iil ay qaadaysay weeraradan, mas’uuliyiinta Israa’iil waxay ka warrameen dhowr seeriga hawada ah oo laga maqlayay waqooyiga Israa’iil oo ka digaya gantaallo ka imanaya Lubnaan.