Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaalo isaga gudbi kara qaaradaha

0
15

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaalo isaga gudbi kara qaaradaha

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa kormeerey howlaha dalkiisa uu ku soo saarayo gantaalada isaga gudba qaaradaha.

Gantaalada oo gaaraya labo ayaa lagu guulleystay tijaabadooda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi.

Hwasongpho-11-Da-4.5, waa mid kamid ah gantaalada la tijaabiyay, iyada oo madaxiisa lagu rakibay miino khatar badan, isaga oo ka gudbi kara qaaradaha.

Kuuriyada Waqooyi waxay hore u shaacisay in ay tijaabin doonaan hub kala duwan bilaha soo socda, waxaana uu isugu jira gantaalo iyo hub kale oo casri ah.

“Baahi weyn ayaa u qabnaa in aan helno awoodda nuclear-ka iyo militari leh khibrad teknoolojiyad oo sare, waan ku dadaali doonaa soo saarida iyo tijaabinta hubka” ayuu yiri Kim John Un.