Masar iyo Mareykanka oo adkeeyay in la ilaaliyo Madax bannaanida Soomaaliya

0
22

Masar iyo Mareykanka oo adkeeyay in la ilaaliyo Madax bannaanida Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Cabdulcaadhi ayaa kulan saacado badan qaatay wuxuu magaalada Qaahira kula yeeshay xoghayaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo halkaasi safar ku tagey.

Labada dhinac ayaa kulankooda diirada ku saaray arrimo ay kamid yihiin xasiloonida gobolka geeska Afrika iyo xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale, waxaa ay isku soo hadal qaadeen dadaalada kooxaha loogu yeero Argagixisada iyo doorka dowladda Masar, kaalinta Mareykanka ee dadaalada ka socda gobolka Geeska Afrika.

Masar iyo Mareykanka ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo xasilloonida Geeska Afrika, iyaga oo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Masar ayaa tilmaamay in ay leeyihiin qorshe ballaaran oo wax ka qabanaya dhammaan dhinacyada dhibaatada, oo ay ku jiraan arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo ka hortagista khataraha caalamiga.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ku bogaadiyay Masar kaalinteeda ee nabadeynta gobolkam isaga oo tilmaamay in Mareykanka taageerayo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Kulanka ayaa waxaa uu ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay taagneyd xiisad ka dhalatay bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya iyo ciidamo kale oo ka socda Masar kana mid noqon doona howlgalka cusub ee billaaban doona sannadka soo socda.