Israel oo ku dhawaaqday weji cusub oo dagaal ka dhan ah Xisbullah

0
32

Israel oo ku dhawaaqday weji cusub oo dagaal ka dhan ah Xisbullah

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa ku dhawaaqay weji cusub oo dagaal, kaas oo ka dhan ah Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalka Lubnaan.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay, ka dib dagaalka Ururka Xamaas ee Falastiin ee ka socdo Marinka Gaza in hawlgalka xooggiisa loo weecinayo dhinaca jiidda waqooyi ee Israel ee xuduudda koonfurta Lubnaan.

Wasiirka ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Militariga Israel iyo qalabka difaacaba loo rarayo soohdinta labada dal.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in maamulku uu tobanaan kun oo ciidan ah u daabulay waqooyiga Israel, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeysay ay Xisbullah weeraro ku haysay, iyadoo markaasi garab istaag u muujineysa dadka reer Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo xalay hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay in guryahooda lagu soo celiso Israeliyiintii ku barakacay xiisadda xuduudda.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Difaaca Israel uu u sheegay maamulada deegaanada waqooyiga ee saaran xadka Lubnaan in ay u diyaargaroobaan xaalad dagaal.

Dowladda Iran oo si adag u cambaareysay weerarada lagu qaaday qalabka isgaarsiinta ee Xisbullah iyo meelo kale oo ka mid ah dalkaasi Lubnaan ayaa ku sheegtay wax aan la aqbali karin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay beegsiga Israel ee ka dhanka ah dadka rayidka ah, taasoo ay sheegtay inay sii hurineyso uun xiisadda Bariga Dhexe. Wasaaradda ayaa daba socoto dadkii faraha badnaa ee Arbacadii ku waxyeeloobay weerarka lagu qaaday agabyada iyo qalabka kale ee isgaarsiinta qaar ee laga isticmaalo Lubnaan.

Ergayga Gaarka Qaramada Midoobey ee Lubnaan, haweeneyda lagu magacaabo Jeanine Hennis-Plasschaert ayaa walaac ka muujisay khatarta uu gobolku ugu jiro isku dhac ballaaran.

Weerarada aan horey loo arag ee ay Israel ku qaadday dalka Lubnaan ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, khubaradana waxay u arkaan mid soo dedejin karta dagaal toos ah oo dhex mara Xisbullah iyo Israel.

Colaadda Gaza ayaa ka gudubtay baqdintii laga qabay inay saameyso Bariga Dhexe. Cabsida iyo walaaca amni ayaa hadda laga dareemay bugcad kasta oo gobolka ah.