Howlgallo lagu baadi gaabayo maleeshiyaad lix ruux ku dilay masjid ku yaalla magaalada Wardheer

0
19

Howlgallo lagu baadi gaabayo maleeshiyaad lix ruux ku dilay masjid ku yaalla magaalada Wardheer

Dowladda deegaanka Soomaalida ayaa shaacisay in ay ku raadjoogaan maleeshiyaad hubeysan oo lix qof ku dilay gudaha masjid ku yaalla magaalada Wardheer ee gobolka Doollo.

Hoggaanka nabadgalyada ee dowlad deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay socdaan howlgallada lagu baadi goobayo ragii weerarkaasi geystay oo ay ku eedeyeen in ay ka tirsan yihiin ururada ka soo horjeeda dowladda.

Ciidamada heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedka ayaa iska kaashanaya howlgallada, iyagoo ka wada gudaha magaalada Wardheer iyo deegaannada Miliyga.

Dilkaan ayaa lala xiriirinayaa aano qabiil oo muddooyinkii dambe ka dhex jiray beelo walaalo ah oo maleeshiyaad hubeysan ay nafta dhaafiyeen Dad aan waxba galabsan balse loo beegsaday beesha ay ka dhasheen darteed.

Lixdaan Wiil ee la dilay ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen Dhallinyarada xerta ah ee joogtay Masjidka halkaas oo inta badan noloshooda iyo waxbarashooda ku qaata, Kooxda weerartay ayaa dhaawac halis ah u geysatay, ugu dambeyn waa ay u dhinteen.