Turkiga oo Soomaaliya usoo diraya Maraakiibta baarta Shidaalka iyo Ilaaladooda

0
20

Turkiga oo Soomaaliya usoo diraya Maraakiibta baarta Shidaalka iyo Ilaaladooda

Dowladda Turkiga oo heshiis dhanka ilaalinta xeebaha iyo baarista shidaalka ah kula jirto Soomaaliya ayaa billaabeysa qorshaheeda la xiriira in ay biyaha Dalka usoo dirto Maraakiibta kuwa wax baara iyo kuwa ilaaliya inta howshaas socoto.

Ilo kala duwan oo xogtaan la wadaagay Middle East Eye ayaa sheegay in bisha soo socota ee Oktoobar ay biyaha Soomaaliya soo gaari doonnaan Maraakiibtaan si Xukuumadda Ankara ay u billowdo howshaan lagu baarayo laguna soosaarayo Shidaalka Dalka.

Wasiirka Tamarta & Khayraatka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in Dowladdiisa ay billaabeyso howshaan oo ruqsad ama fasax uga heysato Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhulka baarista lagu sameynayo ayuu ku sheegay 5,000 oo kiilomitir oo wareeg ah, halkaasina ay ku jiraan saddexda goobood ee Biyaha Soomaaliya laga baarayo tamarta dabiiciga ah ee halkaas ku jirta sida uu hadalka u dhigay.

Qorshaha Ankara waa in labo Markab oo ah nooca waxbaara ay shaqadaan qaban doonaan waxaa ilaalinta amnigooda u xilsaaray maraakiibta dagaalka Turkiga oo si hagar la’aan ah nabadgalyada badda u ilaalin doonna sida hadalka loo dhigay.

Soomaaliya ayaa sheegtay in muddada ka dhiman sanadkaan 2024 gudahood lagu soosaarayo Shidaalka iyo Khayraatka kale ee dabiiciga ah ee dhinaca Badda ku jira, Dowladda Federaalka ayaa tilmaamtay in ay ka go’an tahay ka faa’iideysiga arrintaan.