Maxkamadda Sare oo go’aankii ugu dambeeyay ka gaartay Kiiskii Sayid-cali

0
32

Maxkamadda Sare oo go’aankii ugu dambeeyay ka gaartay Kiiskii Sayid-cali

Maxkamadda Sare ee Dalka oo dhowaan dhageysatay cabashada qareennada Difaacaya Sayid Cali Macallin Daa’uud ee la xiriirta doodda ay ka qabaan Xukunkii Dilka ahaa ee lagu riday eedeysanaha ayaa diiday cabashadaas.

Qareennada Sayid Cali ayaa markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ku xukuntay Dil toogasho ah racfaan u qaatay Maxkamadda racfaanka oo ayiday xukunkaas waxa ay kaddib cabasho u aadeen Maxkamadda Sare ee Dalka oo iyanna raacday xukunnadii hore.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in Maxkamaddu ay diiday cabashadii ka timid qareennada difaacaya Sayid Cali Macallin Daa’uud, waxa ay taasi ka dhigan tahay in lagu fulinayo xukunka lagu riday.

Garyaqaan Baashe ayaa sheegay in Maxkamaddu ku heshay Eedeysanaha, waxa ay meesha ka saartay dhaarinta ay ku doodayeen qareennada difaacayay Sayid Cali, Waxa uu tilmaamay in aanay loo baahneen dhaarta marba haddii uu qiraal ku yahay in dabka ku gubay guriga.