Ammaanka Donald Trump oo aad loo adkeeyay iyada oo maxkamad lasoo taagay Ninkii dhowaan weeraray

0
35

Ammaanka Donald Trump oo aad loo adkeeyay iyada oo maxkamad lasoo taagay Ninkii dhowaan weeraray

Ammaanka guud ee Musharrax madaxweyne Donald Trump ayaa aad loo adkeeyay waxaana loo kordhiyay ciidamada loo garan ogyahay ilaalada qarsoon ee dhexgalaya Dadka uu u khudbeynayo maadaama uu musharraxnimadiisa soo bandhigayo.

Saraakiil katirsan kuwa sida gaarka ah u ilaaliya musharrixiinta, Madaxda iyo martida qaaska ah ee Dalkaas Maraykanka tagta oo qaarkood wata Gawaari iyo hub aan ka muuqan ayaa lasii geynayaa goobaha uu ku wajahan musharraxaan.

Trump oo ah nin inta badan hadallada uu sheego abuuro dareen dhiilo leh ayaa dhankiisa loo jeediyay in uu joojiyo hadallada abuuri kara kicinta Dadka oo culeyska kusii kordhinaya Ilaaladiisa sida ay sheegeen mas’uuliyiin kala duwna.

Dhanka kale, waxaa Maxkamad lasoo taagay Ryan Wesley Routh oo da’diisu tahay 58 jir isla markaana dhowaan weeraray Musharraxaan u taagan Xilka Madaxweynaha Maraykanka in uu markiisii labaad uu qabto ee Donald Trump.

Dacwad oogayaasha ayaa kusoo oogay Routh in uu isku dayay Dilka Musharrax Madaxweyne Donald Trump iyaga oo caddeymo ay duubeen Kaamirooyinka Amniga soo bandhigay si loo arko tallaabta uu sameeyay oo ciqaab adag ku muteysan doonno.