Wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee IGAD oo Muqdisho soo gaaray

0
24

Wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee IGAD oo Muqdisho soo gaaray

Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka Bariga Afrika ee loosoo gaabiyo IGAD Waa Gebeyehu iyo wafdi la socda ayaa barqonimadii maanta kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdigaan waxaa soo dhaweeyay xubno uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi oo kusii sugnaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Waxaa loo galbiyay xarunta loogu talagalay in la dejiyo si uu wafdigaan ula kulmo Madaxda Sare Dowladda Federaalka oo ay kawada hadlayaan xaaladda ka taagan Geeska Afrika iyo tan ka dhex jirta Urur Goboleedka IGAD.

Soomaaliya oo xubin ka ah Ururkaan ayaa cod ku leh in ay ka dhex sheegto waxyaabaha ay dooneyso ama in ay ka dhiidhiso arrimaha dhibaatooyinka ku ah waana tan abuurtay in wafdiga IGAD ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

La soco wixii kasoo kordha