Donald Trump oo markale ka badbaaday isku day lagu dili rabay

0
31

Donald Trump oo markale ka badbaaday isku day lagu dili rabay

Madaxweynihii hore Dalka Maraykanka Donald Trump ahna Musharraxa u taagan Xisbiga Jamhuuriga sanadkaan in uu ku metalo Doorashada dhacaysa 5ta Nofeembar 2024 ayaa markale ka badbaaday isku day lagu dili rabay.

Falkaan ayaa ka dhacay beertiisa lagu dheelo Ciyaarta Golf-ka ee ku taalla Magaalada West Palm Beach ee Gobolka Florida, waxaana socda baaris dhammeystiran oo ay ku howlan yihiin Ciidamada Booliiska gaarka ah ee FBI-da.

Ninka weerarka geystay oo xogtiisa iyo sawirkiisa lasoo bandhigay ayaa magaciisa lagu sheegay Ryan Wesley Routh oo da’diisu tahay 58 sano, lama shaacin waxa ku sababay in uu Ninkaan beegsado Musharraxa Madaxweynaha Maraykanka.

Trump ayaa dhowaan ka badbaaday weerar toogasho ah oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray, waxaa la kordhiyay ilaaladiisa qaaska ah maadaama ay soo baxayaan kooxo iyo shaqsiyaad doonaya in ay bartilmaameedsadaan.

La soco wixii kasoo kordha